Warqaad.com AKHRISO: Taariikhda Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

AKHRISO: Taariikhda Guddoomiyaha Baarlamaanka Jawaari

Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari waxa uu 7-dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah.

Dhinaca shaqada waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay dawladdii militariga ee Somalia, isaga oo Agaasime guud, xoghaye joogto ah iyo wasiirba ka soo noqday wasaarado dhowr ah. Waxa uu soo noqday Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka, Dhulka iyo Cirka, waliba Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada.

Dhinaca kale, waxa uu sanadkii 1970kii Guddoomiye kasoo noqday koox diyaarisay Sharciga Shaqada ee dalka Somalia, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habaynta meelaynta shaqaalaha iyo qiimeynta xirfadleyda.

Guddigani waxa uu xeerka sharciga shaqaalaha Somalia waafajiyey xuquuqda shaqaalaha ee caalamiga ah.

Maxamed Sh. Cusmaan Jawaari waxa kale oo shaqooyin dhinaca arrimaha bulshada ah ka qabtay dalka Norway oo uu ku noolaa intii burburka dalka Somalia uu jiray.

Dhinaca dastuur u sameynta Somalia, waxa uu bishii May ee sanadkii 2008dii ilaa iyo bishii December ee sanadkii 2010kii la taliye oo dhinaca dastuur sameynta u ahaa Xafiiska Siyaasadda QM ee Arrimaha Somalia iyo waliba hay’adda UNDP.

Waxa uu intaas ka dib noqday Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Dasturka oo dib u eegis ku sameynayey Qabyo qoraalka Dastuurka iyo diyaarinta dastuurka si loo ansixiyo.

Maxamed Cismaan Jawaari waxa uu ku hadlaa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga iyo luuqadda Norwejiga.

Jaawaari ayaa ahaa Afartii sano ee lasoo dhaafay Gudoomiyihii Baarlamaankii Sagaalaad ee dalka.

Mar kale ayuu maanta oo 11-Bisha January uu ku guuleystay Hogaanka Baarlamaanka Somaliya.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com