Warqaad.com DEG DEG: Musharax Xidig oo war kasoo saaray guushii Jawaari uguna baaqay Inuu Hogaamiye unoqdo Isbadal cusub - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

DEG DEG: Musharax Xidig oo war kasoo saaray guushii Jawaari uguna baaqay Inuu Hogaamiye unoqdo Isbadal cusub

Waxaa Goordhow mikrafoonka loo dhiibay Xildhibaan C/Rashiid Xidig kaas oo kaalinta labaad ka galay tartankii gudoomiyaha barlamaanka.

Xidig ayaa ugu hambalyeeyay Gudoomiye Jawaari xilka loo doortay isagoo sheegay inuu ku qancay qaabkii ay doorashada udhacday.

Hase ahaatee Xidig ayaa tilmaamay inuu doonayay inuu barlamaanka ku sameeyo barlamaanka, laakiin uusan ka xumeyn hadii hamigiisii uu halkaas kusoo dhamaaday.

Xidig ayaa dhanka kale ugu baaqay gudoomiyaha cusub ee barlamaanka Soomaaliya inuu raaco isbadalka Soomaaliya isagoo tilmaamay in dalkan uu ubaahan yahay isbadal cusub./

Sidoo kale waxaa uu ka dalbaday inuu ka shaqeeyo sidii xildhibaanada uu ugu dhisi lahaa xarun cusub maadaama halka haatan doorashada ay ka socoto ay ahaan jirtay meel gaadiidka geerish u ah.

Xidig ayaa kaalinta labaad ka galay doorashadan kadib markii uu helay 97 cod oo kamid ahaa 259 cod oo la dhiibtay.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com