Warqaad.com DHAGEYSO: Guddoomiye horay isagu dhiibay Al-Shabaab oo hadana soo goostay (Magaciisa) - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

DHAGEYSO: Guddoomiye horay isagu dhiibay Al-Shabaab oo hadana soo goostay (Magaciisa)

Guddoomiyihii hore ee Magaalada Garbahaareey Dowladii Allaha Unaxariistee Cabdullaahi Yuusuf Axmed watigeeda ka tilin jiray Magaaladasi horeyna iskugu dhiibay Al Shabaab ayaa dib uga soo goostay Kooxda Shabaab.

Masuul ka tirsan Maamulka Magaalada Garbahaareey Ee Dowlada Federaalka ayaa sheegay in Ninkan uu ka tirsanaan Dowladii C/laahi yuusuf balse shabaab uu ku biiray islamarkaana uu ahaa sargaal Muhiim u ah Al Shabaab.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD KA

Waxaana Magaciisa lagu sheegay Cabdullahi Maxamed Cirro kaas oo iska soo dhiibay Deegaana Tuullo Barwaaqo oo ka tirsan Gobolka Gedo.

waxaana la sheegay Markii uu isa soo dhiibayay uu la socday Dagaal yahan ka tirsan Al-Shabaab kuwaas oo hada ay gacanta ku hayaan Ciidamada Dowlada Federaalka Ee Gobolka Gedo.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com