Warqaad.com DHAGEYSO: Maxaa Musharrax Faroole uu Muqdisho u imaan layahay? - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

DHAGEYSO: Maxaa Musharrax Faroole uu Muqdisho u imaan layahay?

Cabdiraxmaan Sheekh Maxamuud Faroole oo ka tirsan Xildhibaanada Aqalka Sare kana Mid ah Musharraxiinta u taagan Xilka Madaxweyanah Dalka ayaa Maanta waxaa uu shaaca ka qaaday sababta ilaa hada ka hortaagan in uu tago Magaalada Muqdisho.

Faroole ayaa Maanta ka dhoofay Magaalada Garowe waxaana uu safarkiisa ku wajahnaa Magaalada Nairobi ee Dalka Kenya halkaas oo uu ka wadi doono Olalihiisa ku aadan Musharraxnimadiisa.

HALKAN RIIX OO DHAGEYSO COD KA

Musharrax Madaxweyne C/raxmaan Faroole ayaa shaaciyey in Marka la dhameystiro Xubnaha Aqalka sare ee Dalka uu imaan doono Muqdisho isagoona inta ka horeysa xiligaas ku diyaar garoowaya Magaalad Nairobi ee Dalka kenya.

Musharraxiin kabadan 15 ayaa u taagan Xilka Madaxweyanaha Somalia Marka laga reebo C/raxmaan Faroole waxay yimaadeen dhamaan tood waxaa ay imaadeen Magaalada Muqdiso balse dadka ayaa is weydiinayay Sababta Faroole uu uga maqan yahay Muqdisho.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com