Warqaad.com EXCLUSIVE: Warqaad.com oo ogaatay Labada Musharax ee isugu soo hari kara Fiinaalka Doorashada GBF - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

EXCLUSIVE: Warqaad.com oo ogaatay Labada Musharax ee isugu soo hari kara Fiinaalka Doorashada GBF

Shabakada Wararka Warqaad.com ayaa si toos ah utabineysa doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya oo haatan socota.

RIIX HALKAN: LIVE UDAAWO

Dhanka kale Shabakada Wararka Warqaad ayaa si hordhac ah uheshay in labada musharax ee kala ah Prof Jawaari iyo C/Rashiid Xidig ay haystaan codadka ugu badan ee xildhibaanada.

Labadan Mudane oo kasoo kala jeeda Jubbooyinka iyo Koofur Galbeed ayaa la ogaanayaa iney isugu soo hari doonaan Fiinaalka ama wareega ugu danbeeya.

Xildhibaan MUSHARAX Xidig ayaa la ogaanayaa inuu haysto codadka xildhibaanada ugu badan taas oo tiro ahaan gaareysa ilaa 130 mudane.

Sidoo kale Prof Jawaari ayaa haysta taageero ilaa 100 xildhibaan ku dhow halka labada musharax ee kale ay kala qeybsanayaan xubnaha soo haray.

Sabahaha ay labadan musharax ku kala heleen codadka ugu badan ee sida hordhac ah loo helay ayaa ah iney kala helayaan taagerada ragga ugu sareysa ee utaagan xilka madaxweynaha.

La soco Warar deg deg ah oo la xariira dhacdadaan

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com