Warqaad.com Jawiga Xarunta Golaha oo isbadalay & Gudiga doorashada oo awoodi waayay iney Natiijada ku dhawaaqaan - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

Jawiga Xarunta Golaha oo isbadalay & Gudiga doorashada oo awoodi waayay iney Natiijada ku dhawaaqaan

Waxaa Goordhow lasoo gaba gabeeyay doorashada gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya, taas oo mudo labo saac iyo bar ah qaadatay.

Xildhibaanada ayaa si habsami leh udhiibtay codadkooda iyadoo ay xubno ka socda beesha caalamka ay doorashadaas goob joog ku ahaayeen.

Jawiga ayaa isbadalay kadib markii Jawaari uu helay codadkii loo baahnaa in lagu soo baxo kaas oo ahaa 130 cod, waxaase uu helay 142 cod oo 12 cod ka badan codadkii loo baahnaa.

Musharax C/Rashiid Xidig oo soo galay kaalinta labaad ayaa isna helay 98 cod, taas oo aad ugu dhaweyd musharaxii ka horeeyay.

Gudiga doorashada ayaa ku guuldareystay iney xakameeyaan xildhibaanada oo buuq iyo sawaxan xoogan bilaabay markii Jawaari uu gaaray codadkii loo baahnaa.

Si kastaba, ilaa haatan gudiga ayaa ku dhiiran waayay iney ku dhawaaqaan cod tirintii rasmiga ahaa ee la sameeyay natiijadooda.

La soco Wararka soo Kordha Insha Allah

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com