Warqaad.com SAWIRO: Dowladda oo gacanta ku dhigtay 102 Jawaan Bariisa oo ka saabsan CAAG.. - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

SAWIRO: Dowladda oo gacanta ku dhigtay 102 Jawaan Bariisa oo ka saabsan CAAG..

Dowladda Nigeria ayaa sheegtay in ay gacanta ku dhigtay 102 Jawaan oo ah Bariis ka sameysan Caag ama Plastic,kaas oo la geliyay Gudaha Nigeria.

Haruna Mamudu,oo ka mid ah Dadka Magaalada Legos ayaa sheegay in kaliya uu Alle ogyahay waxa  lagu noqonayo haddii la cuno,waxaase uu walaac ka muujiyay qiyaanada lagu sameeyay Ganacsiga Nigeria.

Ganacsato sharci darro ah ayaa waxaa ay ka ganacsadaan Bariiska bugta ah ama ka sameysan Caagga,waxaana uu dalbaday in Dowladda ay xoog saarto arrintan.

Baaritaan ayaa socda hadda lagu ogaanayo halka uu ka soo galay nigeria,mudada uu Bariiskan ku jiray Gudaha dalkaas,waxaana Saraakiil u hadashay Maamulka Magaalada Lagos ay sheegayaan in loogu talagalay in la iibiyo Maalmaha Ciidda Kirismiska.

Laanta Hubinta iyo Bad qabka Caafimaadka Raashiinka ee Nigeria ayaa hadda gacanta ku heysa baaritaanka,waxaana laga war sugayaa natiijada ay soo saaran.

Dalka China ayaa Sanadkani ka taageyn Fadeecad Bariiska ah kadib markii Suuqyada dalkaas lagu arkay Bariis been abuur ah oo ka sameysan caag loo ekeysiiyay Bariis laguna iibinayay Suuqyada.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com