Warqaad.com Warbixin Xasaasi ah: Wariye Runta usheegay Gaas iyo Gulleed - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

Warbixin Xasaasi ah: Wariye Runta usheegay Gaas iyo Gulleed

Wariye Dahir Farax Axmed oo ka mid ah Wariyeesha Somaliyeed ayaa Warbixintaan Soo Socota Runta ugu Sheegay Madaxda Maamulada Galmudug iyo Puntland

Labada Hogaamiye Cabdiweli Gaas iyo Cabdikariin Xuseen Guleed ayay Siweyn utaabaneysa Warbixintu waxana  ay sidoo kale si qote dheer u taabaneysaa xaalada magaalada Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo Ee Xarunta Gobolka Mudug Kuna Taaala  Bartamaha Soomaaliya waxaa ay u qeybsantahay oo ka wada Taliya Maamulada Galmudug iyo Puntland oo siyaasad ahaan uusan ka dhaxey isfahan wanaagsan.

Bulshada ku kala nool Labada dhinac ee magaalada oo ay Maamuladaani ka taliyaan ayaa ah kuwo aad u jecel in magaaladu Nabad ahaato hayeeshee ma ahan go’aanku mid ku jira gacantooda oo waxaa ku isku haya ciidamo ka amar qaata madax aan ogeyn mas’uuliyada ay bulshadooda u hayaan heerka ay gaarsiisantahay.

Gaalkacyo waxaa marar badan ka dhacay Dagaalo toosa oo dhaxmaray Ciidamada Galmudug iyo Puntland isla markaana dhaliyay dhimasho iyo dhaawac dad shacaba u badan Barakac iyo Burbur hantiyadeed intaas yaa mas’uul ka ah???

Waxaa Gaalkacyo ka dhacay isku dayo Nadabeed oo badan walina ma noqoq kuwo Mira dhalay Yaa hortaagan???

Hadii hogaamiyaasha Labada maamul daacad ka ahaa lahaayeen inay Gaalkacyo Nabad Noqoto Bulshadu wel welkaan joogtada ah ee deganaasha la’aanta ma dareemi lahaayeen????

Markaad Egto Muuqaalka Guud ee Magaalada waa mid ay ka muuqdaan dhismoyaal qurux badan oo la jaan qadaya magaalooyinka horumaray lkn bulshada ayaa si joogta ah u dareema niyad jab maadaama ay dagaalada tooska ah ka sukoow maqlaan rasaas goos goos ah oo Ciidamada labada dhican isku tuurayaan.

Gaalkacyo xiligaan markaad rabto inaad ogaato baaxada magaalada iyo xaaladeeda ama aad dan ka yeelato dhican adoo jooga dhinaca kale waxaa kugu adag inaad kolsooni iskaga gudubto waxaad ku arkeysaa dhinac katsaba ciidamo ku gadaaman meel u dhow marin leygu sheegay in uu kala qeybiso maamulada ee ka wada taliya magaalada waxaa maankaaga kusoo dhacaya ma xaduud wadan kale ayaad soo gashay.

Laakiinsa Bulshada Degan magaalada ayaa ah kuwo aad u niyad fiican oo aan xili kasta is dareensiin dhibta ka jirata iyo kala qeyb sanaanta qaarkood wadooyin qardo jeexa ayeey maraan iyadoo dano gaara iyo qaraabo salaan ugu socda dhanka ay xiligaas joogaan mahane dhicana kale.

MAGAALADA GAALKACYO ALLOW NABAD ALLOW ALLOW NABAD ALLOW

 

15577843_1836024876654597_1286033316_n

 

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com