Warqaad.com XASAASI: 5 Sabab oo uu Xidig ku noqon Karo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay qasab tahay Inaad Ogaato - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

XASAASI: 5 Sabab oo uu Xidig ku noqon Karo Gudoomiyaha Barlamaanka oo ay qasab tahay Inaad Ogaato

Doorashada Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta ka dhaceysa magaalada Muqdisho iyadoo musharaxiinta ugu cad cad kursigaan ay kala yihiin Xildhibaan Xidig iyo Prof Jawaari.

Hadaba Shabakada Wararka Siyaasada ee Warqaad.com ayaa halkan idiinku soo gudbineysa shan sabab oo Xidig ku hogaamin karta inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya.

1 – Hawiye: Beesha Hawiye ayaa la fahansan yahay iney go’aamin karto in Xidig uu Noqdo gudoomiyaha barlamaanka

Sababta ayaa ah in XIldhibaanada Beelaha Hawiye ay ku cadaadin doonaan musharaxa beesha Daarood inuu noqdo gudoomiyaha barlamaanka si tartanka doorashada Madaxweynaha ay isugu so haraan Beelaha Daarood iyo Raxanweyn.

2- Digil & Mirifle: Shariif Xasan Sh Aadan ayaa la fahansan yahay inuu ka danbeyay in Xidig uu isku soo sharaxo gudoomiyaha barlamaanka si uu fursad ugu helo inuu isku soo sharaxo xilka madaxweynaha.

Arintan ayaa ka dhigeysa in Xildhibaanada laga soo doortay Koofur Galbeed ay boqolkiiba 70 taageersan yihiin siyaasada Shariif Xasan ayna ucodeyn doonaan in Xidig loo doorto gudoomiyaha barlamaanka.

3- Kuraasta Waqooyiga Soomaaliya: Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sh iyo RW CC ayaa la fahansan yahay iney taageerada ugu badan ka haystaan xubnaha gobollada Waqooyi S/Land kasoo jeeda.

Si kastaba, Xubnahan ayaa ku biiri doona isbaheysiga beesha Daarood looga saarayo iney utartanto xilka madaxweynaha Soomaaliya iyagoo udooran doona Xidig afhayeenka golaha Shacabka.

4 – Taageerada Itoobiya: Itoobiya ayaa la rumeysan yahay iney taageero xoogan siineyso musharaxan kasoo jeeda Jubbooyinka.

Musharax Xidig ayaa helaya taageerada Dowlada Itoobiya taas oo galaangal siyaasadeed oo muuqda ku leh doorashada haatan soo socota Soomaaliya, si kastaba, Xidig ayaa la fahansan yahay inuu haysto taageerada dowladaas.

5- Lacag ayaa Kala Shaqeysa: Xildhibaan Xidig ayaa la rumeysan yahay in siyaasiyiin badan oo kasoo jeeda Beelaha Hawiye iyo Raxanweyn uu ka helay lacag aan caadi aheyn si uu xilkaas ugu soo baxo.

Xildhibaanada ayaa lagu kala iibsanayaa codadkooda ku dhawaad boqol kun oo Dollar codkiiba, laakiin Xidig oo taageero ka haysta dowlado shisheeye iyo kuwa haatan dalka daladiisa haya ayaa awood uleh inuu lacagaas bixiyo.

NB: Laakin Xidig ayaa ku guuldareysan kara kursiga afhayeenka barlamaanka, hadii isbahaysiga Hawiye iyo Dir ay codkooda uweeciyaan dhanka Prof Jawaari oo si dhow loola xariiriyo madaxweynaha DF Soomaaliya Xasan Sh.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com