Warqaad.com XOG: Sir laga xaday Musharax Farmaajo oo la faafiyey (AKHRISO) - Warqaad.com
Thursday, January 19th, 2017
header header

XOG: Sir laga xaday Musharax Farmaajo oo la faafiyey (AKHRISO)

iyadoo Hoteelada Muqdisho ay ka socdaan Dhaq dhaqaaqyo Siyaasaded oo ku aadan loolan loogu jiro Xilka Madaxweyanha iyo Tan guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya Xog ku aadan in Mid ka mid ah Musharrixiinta sir laga helay lagu faafiyay Hoteelada iyo Meelaha ay Musharraxiinta kale ku badan yihiin iyadoona musharraxiinta loo qeybiyay.

Ilawareed Xogta nala wadaaga ayaa codsaday in sababo jira awgeed aan loo bayaanin Magaca Haweeneey uu inoo sheegay in ay ka dambeysay Faafinta Sirta Musharrax Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo oo ah Musharrax Madaxweyne oo Taageero weyn ay u hayaan Badi shacabkas Soomaalliyeed.

Haweeneydan ayaa sido kale la shaqeysa Musharrax kale oo aan aheyn Mudane Farmaajo waxaana Ilo wareedkan Xogta noo soo gudbiyay sidoo kale uu naga codsaday in aan qarino Magaca Musharraxa kale ee haweeneydu ay la shaqeyso,hase ahaatee lagu daba jiro xogta qaabka ay u bixisay iyo shaqsiyaadka ay gaartay sirta Laga xaday Musharrax Farmaajo.

Haweeneya ayaa la sheegay in ay ka shaqeysay sidii wareysi looga qaadi lahaa Musharrax Farmaajo kaas oo leysku kab kabo looga sii deyn lahaa Midkamid ah Tv yada afka soomaaliga u baxa ee laga leeyahay Maamulka Soomaaliland, si Musharraxiinta Maxamed Farmaajo iyo C.raxamaan Cirro loogu diro Bulshada Soomaaliyeed looguna faa’iideeyo siyaasiyiin dano gaar ah leh.

Saraakiisha Dhanka amaanka kala shaqeysa Musharrax Farmaajo ayaa ku daba jira Haweeneydan oo hadii markale ay isku deydo ay balan qaadeen in ay soo bandhigi doonaan cadeymaha dambiyada ay galeyso iyo cida ay la wadaageyso siraha ay ka hadeyso Musharrax Farmaajo,iyagoona balan qaaday in ay soo bandhigi doonaan Sawirrada Haweeneydan.

Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo Musharrax Madaxweyne ayaa la xaqiijiyay in uu ka warhelay arintan islamarkaana uu foojignaan dheeri ah ka galay Haweeneyda iyadoo la sheegay in uu ogaaday xaalkeeda iyo ujeedooyinka guracan ee ay la damacsan tahay Musharrax Farmaajo oo Loolan adag kula jira Musharraxiin Xilka Madaxweyne iyaguna u taagan.

Waa Markii ugu horeysay Taariikhada Inta la xasuusto in qof ka mid ah dadka Ololaha la wada Musharrixiinta  Soomaalida ee u taagan Xilka Madaxweynaha in laga xado sirta iyo qorshaha ay ku howlgalayaan ee ay kula tartamayaan Siyaasiyiinta kale ama Musharraxiinta xil doonka ah ee Wado walba u maraya sidii kursiga ay u tartamayaan u hanan la haayeen.

Nagala Soo Xiriir

Warqaadteam@gmail.com